Hay’adda Badbaadada Hooyada iyo Dhalaanka Save vulnerable Mother and child ayaa mudo Seddax beri ah waxa ay biya dhaamin u sameysay Qoysas Barakacayaal ku nool Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay iyo Tuulooyin hoos yimaada si bulshada u hesho biyo la isku haleyn karo, waxaana Hay,adda door ka qaadatay nadaafada iyo in biyo nadiif ah la gaarsiiyo Qoysaska si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasaqeysan.
Qoysas u badan Hooyooyin ayaa ka faa’ideystay biya dhaamintan, iyagoona uga mahadceliyay Hay’adda Save vulnerable Mother and child si ay ugu soo gurmatay xili ay baahi weyn ay u qabeen heliyada biyo nadiif ah ay isticmaalaan. Hay,adda Badbaadada Hooyada iyo dhalaanka ayaa dhowr maalmood waday biya gaarsiinta qoysaska tabaaleysan.
